News

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DPL oo kulan la qaatay masuuliyiinta Jaamacadaha Bariga Afrika, Citycote iyo Machadka Kalluumaysiga Puntland

Boosaaso: 22 January 2025: Madaxda Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiinta Jaamacadaha Bariga Afrika, Citycote iyo Machadka Kalluumeysiga Puntland. Kulanka ayaa lagaga hadlay midaynta manhajka culuumta badda ee ay bixiyaan Jaamacadaha iyo Machadka…

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DPL oo qaabilay xubno ka socday EUCAP Somalia

Boosaaso: 18 January 2025: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland Maxamuud Maxamed Gabax oo uu wehliyo La-taliyaha Wasaaradda Kalluumaysiga, Cali Salaad ayaa kulan la qaatay La-taliyaha EUCAP Somalia, Dr Alberto Lopez iyo Madaxa xafiiska EUCAP ee Puntland,…

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DPL oo daahfuray diiwaangelinta kalluumaysatada

Boosaaso: 16 January 2025: Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland ahna Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Hormarinta Siyaasadda, Maxamed Siciid Black oo ay wehliyaan Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga, Sumayo jaamac iyo La-taliye Sare Cali salaad ayaa maanta…

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DPL oo tababar u qabatay kalluumaysatada degmada Bandar-Bayla

Bandar-Bayla: 04 Janaayo 2025: Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland oo kaashanaysa Hay’adda (NRC) ayaa tababar ku qabatay magaalada Bandar-Bayla ee Gobolka Karkaar. Tababarkan oo socday 01 ilaa 03 Janaayo 2025 ayaa waxaa ka faa’iidaystay kalluumaysatada degmada Bayla, kuwaas…

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland oo dib u eegis ku samaynaysa Xeerka Kalluumaysiga DPL

Garoowe: 20 November 2024: Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay wasiiro hore, sharci-yaqaano, xeel-dheerayaal iyo saamilayda kalluumaysatada Puntland. Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa dib u eegista xeerka kalluumaysiga dowladda Puntland oo hadda ay gacanta…

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DPL oo amray in garsoorka la horgeeyo doonyaha samaynaya kalluumaysiga sharci darada ah

20 October 2024: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa ayaa xasuusiyay masuuliyiinta Degmooyinka, Garsoorka iyo laamaha Amniga gobolka Raas Casayr in doonyaha sida sharci darada ah kaga kalluumaysanayey Xeebaha gobolka R/Casayr la hor geeyo garsoorka…

GO’AANO: Diiwaangelinta Wakiiladda, Ganacsatada iyo Shirkadaha Kalluumaysiga Dowladda Puntland 2024

Boosaaso: 13 October 2024: Go’aan kasoo baxay xafiiska Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa ayaa lagu faray in dhamaan Wakiillada Kalluumaysi ay iska diwaan geliyaan Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland. Sidoo kale…

Madaxweyne Deni oo daahfuray deeq waxbarasho oo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland siisay arday baranaysa cilmiga badda

Boosaaso: 06 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray Deeq Waxbarasho oo ay bixisay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland iyadoo kaa shaanaysa Jaamacadda Bariga Africa ee Boosaaso, taasi oo in ka badan 30…

Daahfurka Dhismaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland ee magaalada Boosaaso

Boosaaso: 03 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland ee magaalada…

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland oo la kulan la qaatay ciidanka ilaalada xeebaha Puntland

Boosaaso: 17 September 2024: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland Sharmaarke Yaasiin Beeldaaje oo ay waheliyaan qaar kamid ah agaasime waaxeedyada Wasaaradda ayaa kullan la qaatay saraakiil ka tirsan Ciidanka ilaalada xeebaha Puntland ee PMPF. Kullanka…

War-murtiyeedka: Shirka Maamul Baahinta iyo Kobcinta Wax-soosaarka Kalluumaysiga ee Degmooyinka Xeebaha Puntland

Garoowe: 26 August 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo soo xiray Shirka Maamul baahinta iyo kobcinta wax-soosaarka Kalluumeysiga ee Degmooyinka ku yaal Xeebaha Puntland. Shirka ayaa laga soo saaray qodobadan: 1. Maamul wanaagga B….

Shirka Maamul Baahinta iyo Kobcinta Wax-soosaarka Kalluumaysiga ee Degmooyinka Xeebaha 13 Degmo oo ka furmay magaalada Garoowe

Garoowe: 24 August 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa ka qayb galay Furitaanka Shirka Maamul baahinta iyo kobcinta wax soosaarka Kalluumeysiga ee Degmooyinka Xeebaha ah oo ka kooban 13- Degmo. Shirka ayaa looga…

Xil Wareejin

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland Cabdirisaaq Jaamac Aadan ayaa goob joog ka ahaa munaasabad kooban oo ay xilka kula wareegaysay agaasimaha cusub ee waaxda hormarinta iyo maaraynta kalluumaysiga. Maxamed Nuur oo horay xilkaan usii hayey ayaa…

Gobolka Gardafu, Kulan uu qaban qaabiyey Isuduwaha Wasaradda Kalluumaysiga ay ka qayb galeen bulshada heerarkeeda kala duwan.

Gobolka Gardafu, Kulan uu qaban qaabiyey Isuduwaha Wasaradda Kalluumaysiga ay ka qayb galeen bulshada heerarkeeda kala duwan.   Isuduwaha Wasaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland oo ay weheliyaan saraakil ka socota Wasaaradaha Maaliyadda iyo Dekedaha ayaa lashiray ganacsatada, nabadoonada iyo…

Wasiirku Xigeenka Wasaradda Kalluumaysiga oo kormeer ku tagay Laasqoray

Wasiir ku xigeenka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda puntland iyo agaasimaha waaxda qorshaynta, madaxa iibka iyo fidiyaha degmadda laasqoray ee wasaaradda kalluumaysiga ayaa maanta maanta oo ay taariikhdu ahayd 4/12/2020 kormeer ku tegay magaaladda taariikhiga ah ee laasqoray si uu…

Wasiir kuxigeen Wasaaradda Kalluumaysiga oo safar ku tagay goobi duufantu wax yeelaysay

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland Cabdikhaaliq maxamed Maxamud oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda ayaa maanta safar ku gaaray degaanada Ceelaayo iyo Qaw ee xeebaha Puntland, safarkan ayaa daarana u kuur galida wax…

iskaashatada kalluumayiga degmada Dangorayo ee gobalka Nugaal.

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland ayaa soo dhistay iskaashatada kalluumayiga degmada Dangorayo ee gobalka Nugaal. Wasiirka wasaaradda, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda iyo masuuliyiin ka socday qabyaha kala duwan ee dowladda iyo marti sharaf kale aya ka qayb galay waxaana…

Wafti ka socda safaarada Denmark ee Somalia

ayaa waxay kulan la yeesheen madaxda iyo khuburada Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda. Waftigan ka socda safaaradda Denmark ayaa wasaaradda kala hadlay sida Dawladda Denmark uga caawin karto sidii loo hormarin lahaa kaluumaysiga Puntland. Madaxda iyo khubarada wasaaradda ayaa u…

isku xidhka Wasaaradda iyo Hay’adda Caalamiga

Kulan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Kalluumaysiga ayaa looga hadlay isku xidhka Wasaaradda iyo Hay’adda Caalamiga ee Wasaaradda Kala shaqeeya horumarinta Kalluumaysiga iyadoo arimhii la Isla qaatay meel marintooda Wasaaradda Kula xisaabtami doonto dhamaan Hay’adaha ay shaqo wadaaga yihiin. Hay’adda…

kullan looga hadlayay is barbar dhiga dhanka dakhliga sanadihii 2018, 2019 iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga Dawladda sanada 2020-ka.

Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash oo ay waheliyaan masuuliyiinta kale ee wasaaradda ayaa maanta ka qaybgalay kullan looga hadlayay is barbar dhiga dhanka dakhliga sanadihii 2018, 2019 iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga Dawladda…