News

Xil Wareejin

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland Cabdirisaaq Jaamac Aadan ayaa goob joog ka ahaa munaasabad kooban oo ay xilka kula wareegaysay agaasimaha cusub ee waaxda hormarinta iyo maaraynta kalluumaysiga.
Maxamed Nuur oo horay xilkaan usii hayey ayaa si rasmiya maanta ugu wareejiyey Sumayo Jaamac Maxamed oo dhowaan loo magacaabay agaasimaha waaxda hormarinta iyo maaraynta kalluumaysiga.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumaysiga Cabdirisaaq Jaamac Aadan oo xilka u kala wareejiyey labada masuul ayaa kula dar daarmay agaasime waxeedka cusub inay sii dar dargeliso shaqada waaxda hormarinta iyo maaraynta kalluumaysiga.