Featured

TABOBAR KU SAABSAN XOG URURIN

Tabobar ku saabsan xog ururinta kalluunka oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Hay’adda Security Fish ayaa shaqaalaha loogu qabtay magaalada Garowe.
Waxaa dib u casriyeyn lagu sameeyey habkii loo ururin jiray xogta kalluunka. Database loogu talagalay xog ururinta, xog kaydinta, maaraynta iyo soo bandhigida xog saxan ayaa lagu tabo baray shaqaalaha Wasaaradda.
Tabobarka waxaa goob joog ka ahaa Kusimaha Wasiirka Wasaaradda ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Agaasimaha guud, Agaasimaha Waaxda tabobarada, Madaxqaybeedyo iyo shaqaalaha xeebaha ee Wasaaradda Kalluumaysiga.