Madaxweyne Deni oo daahfuray deeq waxbarasho oo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland siisay arday baranaysa cilmiga badda
Boosaaso: 06 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray Deeq Waxbarasho oo ay bixisay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland iyadoo kaa shaanaysa Jaamacadda Bariga Africa ee Boosaaso, taasi oo in ka badan 30 Arday lagu barayo Cilmiga Badda iyo Kalluumeysiga .
Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maxamuud Maxamed Gabax iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Siciid Maxamed Raage.
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay Dowladdu siinayso sidii dadka reer Puntland loogu diyaarin lahaa in ay ka faa’idestaan kheyraadka badeenna ku jira, wuxuuna xusay in hadda Ardayda deeqda Waxbarasho lasiiyey ay bilow u tahay ka faa’ideysiga iyo maalgashiga kheyraadka Badda oo loo baahanyahay in ay lawada qeyb qaataan dhammaan dhinacyada kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha ayaa intii ay munaasabadda socotay shahaadooyin guddoonsiiyey 4 Arday oo Wasaaradda Kalluumaysigu deeq waxabarasho ugu dirayso dalka dibeddiisa kuwaasi oo waxbarashada heerka labaad (Master) kusoo baran doona cilmiga Badda iyo kalluumeysiga.
-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-














