GO’AANO: Diiwaangelinta Wakiiladda, Ganacsatada iyo Shirkadaha Kalluumaysiga Dowladda Puntland 2024
Boosaaso: 13 October 2024: Go’aan kasoo baxay xafiiska Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa ayaa lagu faray in dhamaan Wakiillada Kalluumaysi ay iska diwaan geliyaan Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.
Sidoo kale go’aankaan ayaa lagu cadeeyay in qofkii ama shirkaddii aan haysan shahaadada wakiilnimada aanu noqon karin Wakiil, shatina aan loo jari doonin wixii ka dameeya 25-ka October 2024.
-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-


