News Warka

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DPL oo amray in garsoorka la horgeeyo doonyaha samaynaya kalluumaysiga sharci darada ah

20 October 2024: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa ayaa xasuusiyay masuuliyiinta Degmooyinka, Garsoorka iyo laamaha Amniga gobolka Raas Casayr in doonyaha sida sharci darada ah kaga kalluumaysanayey Xeebaha gobolka R/Casayr la hor geeyo garsoorka gobolka, Laguna qaado qodobada uu dhigayo xeerka Kalluumaysiga DPL .

Mudanayaal

Waxaan si xushmad leh idiin xasuusinayaa sida uu qabo xeerka kalluumaysiga DPL in doonyaha sharci darada kaga kalluumaysanayey xeebaha gobolka R/Casayr la horgeeyo garsoorka gobolka laguna qaado xeerarka Lr. 2, 2016 iyo Lr. 8, 2011 ee kalluumaysiga DPL.

Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa hawlgalka iyo waxqabadka Taliska Police-ka Gobolka R/Casayr soo qabashada doonyaha sida sharci darada uga kalluumaysanayey badda DPL. Waxaan dhiiri-gelinayaa la dagaalanka kalluumaysiga sharci darada ah, sidoo kalena waxaan xasuusinayaa taliska iyo ciidanka dhawrista dadka naftooda iyo badqabka gaadiidka inta hawlgalku socdo.

Ugu dambayn waxaan u mahadcelinayaa dhamaan mas’uuliyiinta ka qayb-qaatay ilaalinta khayraadka Badda DPL.

-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-