News Warka

Daahfurka Dhismaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland ee magaalada Boosaaso

Boosaaso: 03 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland ee magaalada Boosaaso oo ay iska kaashadeen Dowladda Puntland iyo Midowga Europe, iyadoo fullinta farsamo ay fududeeysay Hay’adda FAO.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga oo uu muujiyey in Dowladdu muhimad gaar ah siisay in la helo xaruntan, oo saldhig u noqonaysa Shaqooyinka la xiriira Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Puntland, wuxuuna u mahadceliyay dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay.

Munaasabadda xarig jarka dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga, waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Masuuliyiin ka socda Midowga Europe, Safaaradda Denmark , Hay’adda FOA, Maamulka Degmada Boosaaso, Maamulka Gobolka Bari iyo marti sharaf kale.

-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-