Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland oo la kulan la qaatay ciidanka ilaalada xeebaha Puntland
Boosaaso: 17 September 2024: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland Sharmaarke Yaasiin Beeldaaje oo ay waheliyaan qaar kamid ah agaasime waaxeedyada Wasaaradda ayaa kullan la qaatay saraakiil ka tirsan Ciidanka ilaalada xeebaha Puntland ee PMPF.
Kullanka ayaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin:
1. Ladagaalanka jiriifka iyo Kalluumaysiga sharci darada ah.
2. Kor u qaadista hawlgalada lagu xoojinayo dakhliga Dowlada.
3. Xoojinta Wada shaqaynta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo ciidamada PMPF.
4. Adeegsiga Alaada Lasocodka Badda iyo dhaqdhaqaayada Gaadiidka Kalluumaysatada ee ku jira Xeebaha Puntland.
-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-




