News

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DPL oo tababar u qabatay kalluumaysatada degmada Bandar-Bayla

Bandar-Bayla: 04 Janaayo 2025: Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland oo kaashanaysa Hay’adda (NRC) ayaa tababar ku qabatay magaalada Bandar-Bayla ee Gobolka Karkaar.

Tababarkan oo socday 01 ilaa 03 Janaayo 2025 ayaa waxaa ka faa’iidaystay kalluumaysatada degmada Bayla, kuwaas oo gaaraya 35 qof oo haween u badan, waxaana intii uu tababarku socday lagu baray:

1: Badbaadinta cuntada iyo nafaqdeeda.
2: Cunista kalluunka nafaqada ku jirta iyo macdanta iyo daawada ku jirta.
3: Faya-dhawrka qof ahaaneed ee loo baahan yahay.
4: Horumarinta nafaqada iyo badbaadada cuntada ee bulshada.
5: Ilaalinta nadaafadda iyo xanaaneynta cuntada badda.

Tababarka ayaa waxaa bixinayey Ku-simaha Agaasimaha Tababaradda Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland, Xasan Jaamac.

  • XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-