Warka

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo Golaha Sare ee Dhaqaalaha Carabta ee Africa oo kala saxiixday heshiis is-afgarad

Garoowe: 01 Janaayo 2025: Wasaaradda Kalluumaysiga & Khayraadka Badda Dawladda Puntland iyo Golaha Sare ee Dhaqaalaha Carabta ee Africa ayaa heshiis is-agarad iyo wadashaqayn ah oo ku saabsan horumarinta Kallumaysiga ku kala saxiixday magaalada Garoowe.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa saxiixay heshiiska, waxaana goobjoog ahaa Wasiir ku-xigeenka, Mudane Maxamuud Maxamed Gabax iyo saraakiisha wasaaaradda.