Shaqo ka joojin – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland

WASIIRKA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND CABDIRISAAQ CABDULLAHI XAGAA OO SHAQO JOOJIN KU SAMEEYEY AGAASIMAHA GUUD
UJEEDO: SHAQO KA JOOJIN – AGAASIMAHA GUUD
Mudane Agaasime, sida ay ogolyihiin xeerarka DPL, waxaan halkan ku wargelinayaa in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 28 December, 2024 lagaa joojiyey (Ag. Sharmaarke Yasin Ali), shaqadii aad u haysey Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland.
Sababta: Maamul Xumo, Mas’uuliyad daro iyo Wadashaqayn la’aan.
Sidoo kale, waxaan isla warqadan maanta, ugu magacaabay Kusimaha Agaasimaha Guud, Mudane Mohamed Siciid (Black) ee hadda ah Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Horumarinta Siyaasadda ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo K. Badda.
Fulin Wacan.
