
Caluula: 28 December 2024: Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DPL oo kaashanaysa Hay’adda FAO ayaa dhagax-dhigtay xarunta Iskaashatada Kalluumaysiga iyo suuqa kalluunka degmada Caluula oo si casri ah loo dhisayo.
Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda, Maxamed Siciid Black iyo Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga, Sumaya Jaamac Maxamed oo ay weheliyaan Maamulka Degmada Caluula iyo metelayaal ka socday Hay’adda FAO ayaa goobjoog ka ahaa dhagax-dhigga xaruntan.
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda oo eegaysa qorshayaasha hortebinta u leh horumarinta kalluumaysatada ayaa dedaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa waxsoosaarka Kalluumaysiga xeebaha Puntland.

-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-
