Saraakiisha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda oo kormeer ku tagey marsooyinka degmada Laasqoray

Fidiyaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Degmada Laas-qoray Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (koomeer) oo ay waheliyaan maamulayasha W/Maaliyada ee Degmada Laas-qoray iyo Saraakiisha laanta ilaalinta canshuuraha ayaa kormeer shaqo iyo u kuurgelid ah ka sameeyey Marsooyinka kala ah dhooftinle, Shimiqshimiq, Gacan iyo Laas macaan oo dhamaantood hoos yimaada Degmada Laas-qoray ee gobolka Sanaag.
Fidiyaha iyo wafdiga la socday ayaa u kuurgalay sida ay u socoto shaqada Badda iyaga oo ku wacyigeliyey Kalluumaystada ku shaqaysta gaadiidka Badda inay ilaaliyaan shuruucda loo dejiyey in looga kalluumaysato Xeebaha deeganada Puntland.





-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-
