News

Wasiirku Xigeenka Wasaradda Kalluumaysiga oo kormeer ku tagay Laasqoray

Wasiir ku xigeenka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda puntland iyo agaasimaha waaxda qorshaynta, madaxa iibka iyo fidiyaha degmadda laasqoray ee wasaaradda kalluumaysiga ayaa maanta maanta oo ay taariikhdu ahayd 4/12/2020 kormeer ku tegay magaaladda taariikhiga ah ee laasqoray si uu ugu kuur galo khasaaraddii ka soo gaartay dabaylihii iyo duufaanadii waxyeeleeyey xeebaha Puntland kadib roobab ka da’ay degaanadas.
 
Wasiirka ayaa kulan ka dhacay xafiiska Degmada ee Wasaaradda kalluumaysiga kula yeeshay dadka degaanka iyo iskaashatada kaluumaysiga isagoo ka dhagaystay wax yeeladii roobabka iyo baahiyaha kalluumaysi ee ka jira Degmada Laasqoray.
 
Wasiirka ayaa balan qaaday in Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland ay door muhiim ah ka qaadan doonto sidii wax looga qaban laha cabashada iyo baahiyaha ka jira Degmada.
 
Sidoo kale Wasiirka ayaa u balan qaaday kaluumaysatada in uu dhakhso ugu dhisi doono, gacana ka gaysan doono dhisitaanka ururka iskaashatada Degmada oo baahi wayn loo qabo sida ay sheegeen dadka degaanka iyada oo ay ugu danbaysay 2005 markaas oo Wasaaraddu ka dhistay iskaashato Degmada.
 
Ugu danbayn Wasiir xigeenka Wasaaradda ayaa soo kormeeray goobaha taariikhiga ah ee Degmada ku yaala sida Warshadii Kalluunka ee Laasqoray iyo Airport ka Magaaladda.
 
Gaba gabadii Kormeerka Wasiirka ayaa sidoo kale soo maray degaano hoos taga Degmada Laasqoray oo ay ka mid tahay degaanka Durduri.
 
Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland ayaa dadka deegaanka uga mahad celiyay sida Quruxda badan ee ay ugu soo dhoweeyen magaaladda.