News

Wasiir kuxigeen Wasaaradda Kalluumaysiga oo safar ku tagay goobi duufantu wax yeelaysay

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland Cabdikhaaliq maxamed Maxamud oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda ayaa maanta safar ku gaaray degaanada Ceelaayo iyo Qaw ee xeebaha Puntland, safarkan ayaa daarana u kuur galida wax yeeladii ay gaysteen roobab duufaano iyo dabaylo wata oo maalmihii u danbeeyay ka da’ayay degaano badan oo ku teedsan xeebaha Puntland. Wasiirka ayaa intuu safarkan ku jiray warbixino ka dhagaystay dadka degaanka iyo iskaashatada kalluumaysatada ee labada degaan. Sidoo kale wasiirka ayaa dhagax dhigay guriga Wasaaradda ee Degmada ceelaayo kaas oo dhowaan dhismihiisu bilaabmi doono.

Dadka degaanka ayaa safarkan uu wasiirku kusoo gaaray uga mahad celiyay una sheegay inuu yahay masuulkii ugu horeeyay ee u yimaada degaamadooda kana dhagaysta cabashadooda.