News

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DPL oo kulan la qaatay masuuliyiinta Jaamacadaha Bariga Afrika, Citycote iyo Machadka Kalluumaysiga Puntland

Boosaaso: 22 January 2025: Madaxda Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiinta Jaamacadaha Bariga Afrika, Citycote iyo Machadka Kalluumeysiga Puntland.

Kulanka ayaa lagaga hadlay midaynta manhajka culuumta badda ee ay bixiyaan Jaamacadaha iyo Machadka Kalluumaysiga. Waxaa midaynta kadib, lagala tashanayaa tayaynta iyo sharciyaynta Manhajkan Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta sare ee Dawladda Puntland.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Dr. Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa goobjoog ahaa kulanka.

  • XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-