Madaxda Wasaaradda Kalluumaysiga oo ka qaybgalay cilmi-baaris ay soo bandhigay Jaamacadda Boosaaso

Boosaaso: 23 January 2025: Madaxda Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka socotay Jaamacadda Boosaaso.
Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii loo samayn lahaa cilmi-baaris ku saabsan ganacsiga Kalluumaysiga Puntland, caqabadaha iyo fursadaha ka jira.
Mas’uuliyiinta kasoo qaybgalay kulanka waxay kala yihiin Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland, Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga, Hon Mohamoud M. Ali Gabax, Agaasimaha Guud, Maxamed Siciid Black, Agaasimaha Waaxda Horumarinta Kalluumaysiga, Sumayo Jaamac, La-taliye Sare Cali Salaad, Cilmi-baare ka socda Jaamacadda Boosaaso Cabdiraxmaan Maxamuud iyo masuuliyiin kale.




MOFMR-2025
