Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DPL oo qaabilay xubno ka socday EUCAP Somalia

Boosaaso: 18 January 2025: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland Maxamuud Maxamed Gabax oo uu wehliyo La-taliyaha Wasaaradda Kalluumaysiga, Cali Salaad ayaa kulan la qaatay La-taliyaha EUCAP Somalia, Dr Alberto Lopez iyo Madaxa xafiiska EUCAP ee Puntland, Andreas Kalos.
Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqaynta labada dhinac iyo La-dagaalanka Kalluumaysiga Sharci-darrada ah.



- XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-
