News

kullan looga hadlayay is barbar dhiga dhanka dakhliga sanadihii 2018, 2019 iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga Dawladda sanada 2020-ka.

Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash oo ay waheliyaan masuuliyiinta kale ee wasaaradda ayaa maanta ka qaybgalay kullan looga hadlayay is barbar dhiga dhanka dakhliga sanadihii 2018, 2019 iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga Dawladda sanada 2020-ka.

Kullanka oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda Maaliyada ee maagalada Boosaso ayaa waxaa isugu yimid wasiirada wasaaradaha Maaliyada, Kalluumaysiga iyo Dekeddaha.

Masuuliyiinta ayaa kullankooda ku lafaguray sidii kor loogu qaadi laaha dakhliga dowlada sanadkaan 2020-ka, waxaan la isla gartay in horay loosii wado kor uqaadida dakhliga.