Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga oo qaabilay khuburo ka socda xarunta EDCONS ee dalka Kenya

Boosaaso: Abriil, 28 2025: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DPL, Mudane Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa ayaa kulan la qaatay koox khubaro ah oo ka socday xarunta EDCONS ee dalka Kenya.
Wasiirka ayaa warbixin hordhac ah ka dhagaystay khubaradan oo qiimayn iyo daraasad (Feasibility Study) ku samayn doona qaab-dhismeedka Suuqa cusub ee Kalluumaysatada magaalada Boosaaso.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DPL, Mudane Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa ayaa sheegay inay dadaal xoog leh ku bixinayaan sidii ay suuq casri ah ku heli lahaayeen iskaashatada Kalluumaysiga Boosaaso, wuxuuna khubarada faray in daraasadooda ay ku saleeyaan baahiyaha Kalluumaysatada.
Wasiirka Warfaafinta DPL, Mudane Maxamuud Caydiid Dirir, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada DPL, Mudane Maxamed Jaamac, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta DPL, Mudane Maxamed Ciise, La-taliyaha Wasaaradda Kalluumaysiga Mudane Cali Salaad, Agaasimaha Waaxda Horumarinta Kalluumeysiga, Marwo Sumayo Jaamac, Madaxa Dhaqaalaha Buluugga ah ee Wasaaradda Kalluumaysiga, Mudane Eng. Cabdiqaadir iyo masuuliyiin kale ayaa kasoo qaybgalay kulanka.



MOFMR-2025
