Wasaaradda Kalluumaysiga oo agab kalluumaysi ku wareejisay 130 qof oo kamid ah iskaashatada Boosaaso

Boosaaso: May, 04 2025: Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland oo kaashanaysa Hay’adda FAO ayaa agab kalluumaysi ku wareejisay 130 qof oo kamid ah Iskaashatada Kalluumaysiga degmada Boosaaso.
Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DPL, Mudane Maxamed Siciid Black oo ay wehliyaan Agaasimaha Waaxda Horumarinta Kalluumeysiga, Sumayo Jaamac iyo Isuduwaha Wasaaradda ee gobolka Bari ayaa agabkan ku wareejiyey Iskaashatada Kalluumaysiga Boosaaso.
Maxamed Siciid Black, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, ayaa iskaashatada kula dardaarmay in qalabka la siiyey ilaashadaan oo ay iska sii iibin, dhanka kalena horumariyaan wax-soosaarkooda si bulshadu uga faa’idaysato khayraadka Badda.





MOFMR-2025
