Madaxda Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Iskaashatada kalluumaysiga Boosaaso oo ka shiray dhismaha suuqa kalluunka

Boosaaso: Abriil, 23 2025: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DPL, Mudane Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa oo uu wehliyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DPL, Mudane Siciid Maxamed Raage ayaa maanta kulan la qaatay iskaatashada Kalluumaysiga degmada Boosaaso.
Kulanka ayaa looga hadlay dhismaha suuqa cusub ee kalluumaysatada magaalada Boosooso, nashqaddiisa (Design), cabirka dhulka laga dhisayo iyo siddii dhaqaale loogu raadin lahaa dhismihiisa.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DPL, Mudane Abdirisak Abdulahi Hagaa ayaa ku bogaadiyey iskaashatada doorkooda wax-soosaarka Kalluumaysiga, wuxuuna ku booriyey inay si dhow uga shaqeeyaan ilaalinta badda, iyagoo ciddii dhibaato ku haysa usoo gudbinaya wasaaradda iyo ciidamada ilaalada badda Puntland.
Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Mudane Maxamed Siciid Black, La-taliyaha Wasaaradda Mudane Cali Salaad, Agaasimaha Waaxda Horumarinta Kalluumeysiga, Marwo Sumayo Jaamac iyo Madaxa Dhaqaalaha Buluugga ah ee Wasaaradda, Mudane Eng. Cabdiqaadir ayaa kamid ah masuuliyiinta kasoo qaybgalay kulanka.





MOFMR-2025