Featured

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Kalluumaysiga oo daahfuray qorshaha shanta sanno ee horumarinta kalluumaysiga

Boosaaso: Abriil 17, 2025: Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa lagu qabtay kulanka faafinta qorshaha shanta sano ee horumarinta Kalluumeysiga iyo siyaasadda noolaha dabar go’aya.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Mudane Siciid Maxamed Raage ayaa kulanka si rasmi u daahfuray.

Kulanka, waxaa kasoo qaybgalay Iskaashatadda Kalluumaysiga degmada Boosaaso iyo Ardayda Kulliyadda Culuumta Badda ee Jaamacadda Citycote.

Wasiir-dowle Mudane Siciid Maxamed Raage ayaa kula dardaarmay iskaashatadda iyo ardayda barata culuumta Badda inay ka qayb-qaataan hirgelinta iyo u qareemidda xeerarka, qorshayaasha iyo siyaasadaha ay soo gudbisay Wasaaradda.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Mudane Maxamed Siciid Black, La-taliyaha Wasaaradda Mudane Cali Salaad, Agaasimaha Waaxda Horumarinta Kalluumeysiga, Marwo Sumayo Jaamac iyo Agaasimaha Tababarada Mudane Xasan Jaamac ayaa kamid ah masuuliyiinta kasoo qaybgalay kulanka qorshaha shanta sanno ee horumarinta Kalluumeysiga iyo siyaasadda noolaha dabar go’aya.

MOFMR-2025