Featured

Wasaaradda Kalluumaysiga oo bilowday bixinta shahaadada aqoonsiga wakiilada gaadiidka kalluumaysiga

Boosaaso: 28 February 2025: Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland ayaa si rasmi ah u bilowday bixinta shahaadada aqoonsiga wakiiladda gaadiidka Badda ee kalluumaysiga.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Maxamed Siciid Black iyo Agaasimaha Waaxda Horumarinta Kalluumaysiga, Sumayo Jaamac ayaa shahaadooyinkooda guddoonsiiyey qaar kamid ah wakiiladda.

Munaasabadda bixinta shahaadada aqoonsiga wakiiladda gaadiidka kalluumaysiga ee Badda, waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland Hon Mohamoud M. Ali Gabax, madax ka socday Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale.

MOFMR-2025