Featured

Wasaaradda Kalluumaysiga oo timir, biyo iyo kalluun ku wareejiyey guddiga taakulada ciidanka difaaca Puntland

Kalabayr: 19 February 2025: Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland ayaa raashin isugu jira Kalluun(350 ctn), Timir (100 ctn) iyo Biyo la cabo (100 ctn) ku wareejiyey Guddiga Taakulada iyo Daryeelka Caafimaad ee Ciidamada Difaaca Puntland ee ku jira hawlgalka ciribtirka argagixisada Daacish.

Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland, waxay mar kasta garab taagan yihiin Geesiyaasha Ciidamada Difaaca Puntland ee ku jira dagaalka buuraha Calmiskaad, kuwaas oo dhiigooda u huray dadkooda, dalkooda iyo diintooda.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland, Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa oo uu wehliyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga, Hon Mohamoud M. Ali Gabax, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa goobjoog ahaa munaasabadda wareejinta taakuladan.

MOFMR-2025