Madaxda Wasaaraddaha Kalluumaysiga iyo Maaliyadda oo ka shiray kor-u-qaadista dakhliga kalluumaysiga

Boosaaso: 03 March 2025: Madaxda Labada Wasaaraddood ee Kalluumaysiga iyo Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kulan ku yeeshay xarunta dhexe ee Wasaaradda kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee magaalada Boosaaso.
Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqaynta labada wasaaradood iyo kor-uqaadista dakhliga Kalluumaysiga 2025.
Shirkan ayaa waxa ka qayb-gallay, Wasiirada Wasaaradaha, Agaasimayasha Guud, Agaasimo Waaxeedo iyo Madax-qaybeedo.
Ugu dambayn, kulankan ayaa la isku afgartay, laguna ansixiyey qorshihii dardargelinta dhakhliga Kalluumaysiga 2025 ee Dowladda Puntland.





MOFMR-2025
