Featured

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga oo qaabilay Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya

Garoowe: 26 January 2025: Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa ayaa maanta qaabilay Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya, John Purvis oo ay wehliyaan Madaxa Xafiiska Puntland, Faarax Cabdisamad iyo saraakiil kale.

Mas’uuliyiinta ayaa wada hadlay xoojinta xiriirka wadashaqayneed ee dowladda iyo hay’adda, sida taageerada iyo horumarinta wax-soosaarka kalluumaysiga.

Kulanka waxaa kasoo qaybgalay Madaxa Dhaqaalaha Buluugga ee Wasaaradda Kalluumaysiga, Eng. Cabdiqaadir Xuseen, La-taliyaha Wasaaradda Kalluumaysiga, Cali Salaad iyo Masuuliyiin kale.

MOFMR-2025