
Garoowe: 26 January 2025: Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland ayaa maanta la kulmay wafdi uu hogaaminayo Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya, Lionel Laurens.
Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka wadashaqayneed ee dowladda iyo Hay’adda, iyadoo diiradda la saarayo dhinacyada hortabinta leh.
Kulanka waxaa goobjoog ahaa Madaxa Hay’adda UNDP ee Xafiiska Puntland, Muuse Ducaale, Madaxa Dhaqaalaha Buluugga ee Wasaaradda Kalluumaysiga, Eng. Cabdiqaadir Xuseen, La-taliyaha Wasaaradda Kalluumaysiga, Cali Salaad iyo Masuuliyiin kale.



MOFMR-2025
