Warka

Tababar ku saabsan diiwaangelinta gaadiidka kalluumaysiga oo loo furay Shaqaalaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland

BOOSASO: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa oo uu waheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamuud Maxamed Gabax ayaa maanta magaalada Boosaso ka daah furay Tababar ku saabsan diwaangalinta gaadiidka Kalluumaysiga iyo Kalluumaysatada deegaanada Xeebaha Puntland.

Tababarka oo furitaankiisa uu sidoo kale ka qayb galay agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Eng. Sharmaarke Yaasiin Beeldaaje ayaa loo qabtay shaqaallaha Wasaaradda ee deeganada Xeebaha oo isugu jira, Isu-duwayaasha, fidiyaasha iyo shaqaallaha qaabilsan diwaangelinta xogta kalluunka.

Wasiirka ayaa kula dar daarmay ka qayb galaayasha tababarka inay ka faa’iidaystaan mudada uu tababarku socdo si shaqada Wasaaradda ay ugu dabaqaan macluumadka la baray.

-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-