Warka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland oo soo xiray tababarka diiwaangelinta gaadiidka Kalluumaysiga

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Eng. Sharmaarke Yaasiin Beeldaaje ayaa soo xiray Tababar ku saabsan diwaangalinta gaadiidka Kalluumaysiga iyo Kalluumaysatada deegaanada Xeebaha Puntland kaasi oo Muddo saddex maalmood ah ka socday Boosaso.

Tababarka ayaa loo qabtay shaqaallaha Wasaaradda ee deeganada Xeebaha oo isugu jira, Isu-duwayaasha, fidiyaasha iyo shaqaallaha qaabilsan diwaangelinta xogta kalluunka.

-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-