Wasiirka iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagey degmada Bandar-Bayla

Bandar-Bayla: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa oo uu wehliyo Wasiir ku-xigeenka Kalluumaysiga, Maxamuud Maxamed Gabax iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda ayaa kormeer shaqo ku tagey degmada Bandar-bayla ee gobolka Karkaar.
Masuuliyiinta ayaa u kuurgalay xaaladda ay ku sugan yihiin kalluumaysatada degmada Bandar-Bayla, waxayna kulamo la qaateen maamulka degmada, iskaashatada kalluumaysiga iyo qaybaha bulshada.
























-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-