Wasaaradda Kalluumaysiga oo tallaagado ku shaqeeya nidaamka cadceedda bulshada deegaanada Dhudhub iyo Dhuudo

Dhudhub: 11 May 2025: Wasaaradda Kalluumaysiga oo kaashanaysa hay’adaha WFP iyo NRC ayaa haweenka magaalooyinka Dhudhub iyo Dhuudo ee gobolka Karkaar ku wareejisay tallaagado loo kaydiyo Kalluunka oo ku shaqaynaya nidaamka cadceedda (Solar System).
Arrintaan ayaa Wasaaraddu uga dan leedahay in la helo silsilad isku xiran oo magaalooyinka aan xeebta saarnayn ilaa miyiga lagu gaarsiinayo isticmaalka kalluunka si joogto ah, taas oo kor loogu qaadayo helitaanka iyo isticmaalka kalluunka.
Madaxa Dhaqaalaha Buluugga ah ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DPL, Mudane Eng. Cabdiqaadir ayaa goobjoog ahaa wareejinta talaagadaha Kalluunka.




MOFMR-2025
