Featured

Madal lagu soo bandhigayey wax-soosaarka kalluunka iyo khayraadka badda oo lagu qabtay degmada Bayla.

Bandar-Bayla: 31 May 2025: Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DPL oo kaashanaysa hay’adaha WFP, NRC iyo Bangiga Himilo Micro-Finance ayaa bulshada degmada Bandar-Beyla ee gobolka Karkaar u qabtay madal lagu soo bandhigayey wax-soosaarka kalluunka iyo khayraadka badda.

Wasaaradda ayaa u soo bandhigtay iskaashatada Kalluumaysiga degmada Bandar-Beyla, fursadaha jira iyo sida loo horumarin karo Khayraadka baddeena, sidoo kale waxaa lala wadaagay istaashatada xeerarka qoran ee Kalluumaysiga.

Bandhiggan ayaa Wasaaraddu uga dan leedahay in la helo silsilad isku xiran oo magaalooyinka aan xeebta saarnayn ilaa miyiga lagu gaarsiinayo isticmaalka kalluunka si joogto ah, taas oo kor loogu qaadayo helitaanka iyo isticmaalka kalluunka.

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Kalluumeysiga, Marwo Sumayo Jaamac ayaa hogaaminaysay saraakiisha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka ee ka qaybgalay bandhigan.

MOFMR 2025