
Boosaaso: 29 January 2025: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland Hon Mohamoud M. Ali Gabax ayaa maanta qaabilay Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya John Purvis oo ay wehliyaan Madaxa Xafiiska Puntland, Faarax Cabdisamad iyo saraakiil kale.
Mas’uuliyiinta ayaa wada hadlay xoojinta xiriirka wadashaqayneed ee dowladda iyo hay’adda, taageerada horumarinta wax-soosaarka kalluumaysiga.
Kulanka waxaa kasoo qaybgalay Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga, Maxamed Siciid Black, Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga, Sumayo Jaamac, Madaxa Dhaqaalaha Buluugga ah ee Wasaaradda, Eng. Cabdiqaadir Xuseen iyo Masuuliyiin kale.
MOFMR-2025
