News

Qalin Jebin

Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash ayaa magaalada Boosaso kaga qaybgalay xaflad ay ku qalin-jabinayeen arday bartay cilmiga Badda iyo kalluumaysiga.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ahmiyad siinayso hirgelinta macaahid lagu barto cilmiga Badda si dhallinyaradu aqoon fiican ugu yeeshaan khayraadka ku jira Badda.

Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland ayaa horay ushaqaalaysiisay qaar kamid ah ardaydi kuwaan ka horeeyey ee bartay cilmiga Badda iyo kalluumaysiga.