Warka

Khasaaraha Roobki Bari Ka Da’ay

Wasiir kuxigeenka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdikhaaliq Maxamed Maxamuud oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdirisaaq Jaamac Aadan ayaa ukuurgalay xaalada kalluumaysatada magaalada Boosaso oo khasaare kasoo gaaray roobkii ka da’ay magaalada.
Kormeerka masuuliyiinta wasaaradda kalluumaysiga ay ugu kuurgelayeen xaalada kalluumatada waxaa ku waheliyey masuuliyin katirsan wasaaradda Dekedaha, Taliyaha saldhiga dekedda, iyo masuuliyiin katirsan Hay’adda FOA.
Saxiimadaha kalluumaysiga ayaa qaarkood kusoo caariyey nawaaxiga Dekeedda iyado sidoo kale uu burbur soo gaaray qaar kamid ah qalabka kalluumaysatada.
Masuuliyiinta wasaaraddu waxay guddoonka iskaashatada kalluumaysatada ka dhegaysteen warbixin ku aadan khasaaraha soo gaaray qalabka ay ku kalluumaystaan.
Waxa sidoo kale madaxda wasaaradda kalluumaysigu ay Hay’addaha caalamiga ah la wadaageen heerka ay gaarsiisan tahay khasaaraha soo gaaray qalabka ay isticmaalan kalluumaysatada, waxaana masuuliyiintu ay Hay’addaha ka codsadeen inay gacan ka gaystaan sidii wax looga qaban lahaa khasaaraha roobka kasoo gaaray kalluumaysatada.