Featured

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Maamulka Degmada Eyl

Eyl: 09 August 2024: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Eyl, Faysal Khaliif Wacays.

Kulanka, waxaa qayb ka ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Maxamuud Maxamed Gabax, Saraakiisha Wasaaradda, Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiinta ayaa ka hadlay siddii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo Maamulka degmada Eyl.

-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-