Warka

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo kormeer shaqo ku tagey degmada Eyl

Eyl: 09 August 2024: Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Hon Abdirisak Abdulahi Xagaa oo ay wehliyaan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Maxamuud Maxamed Gabax iyo Saraakiisha Wasaaradda ayaa kormeer ku tagey magaalo xeebeedka degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Wafdiga oo u kuurgalay xaaladda kalluumaysatada degmada ayaa kormeer ku tagey xarunta iskaashatada Kalluumaysiga degmada Eyl iyo xarumaha kaydka kalluunka ee dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale, Wasiir Xagaa iyo wafdigiisa oo kulamo la qaatay waaxyaha kalluumaysatada sida iskaashatada iyo ganacsatada, ayaa kala hadlay siddii loo xoojin lahaa waxsoorka Kalluunka iyo khayraadka kale ee Badda, maadaama wakhti kooban ka harsan yihiin xiligii bad-furanka.

Wafdiga, waxaa qayb ka ahaa Madaxa Dhaqaalaha Buluugga ahna Injineerka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland iyo Isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Nugaal.

-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-